Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo sheegay in uusan isku murjineyn xalaada xidiga ,,,,,,

0
41

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax xiiso ah u heysan mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe Philippe Coutinho.

 

Ka dib markii uu seegay saxiixa Coutinho xagaagii, Barcelona ayaa la filayaa inay ku soo laabato dalab kale intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, Klopp ayaa ku celiyay inuusan ka walwalsaneyn wax dalab ah, isagoo sheegay inuu kaliya diirada u saaran yahay kulanka Champions League ee ay la leeyihiin Spartak Moscow.

50-jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Ma aanan ka fekerin hal daqiiqo, ma hubo, ma hubo, waxaan heystaa koox aan isku diyaariyo berri.”

Isbuucii lasoo dhaafay, tababaraha Barcelona Ernesto Valverde ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu ka hadlo xiisaha kooxda ee kubadsameeyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here