Raheem Sterling oo ku fekeraaya u dhaqaaqista Kooxda La Liga ee,,

0
43

Kooxda Kubada Cagta ee Real Madrid ayaa bilowday in ay u dhegtaagto xaalada Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Manchester City ee Raheem Sterling, kaas oo hakad geliyay wadahadaladii uu kula jiray Kooxdiisa.

Hogaamiyayaasha Horyaalka English Premier League ee Sky Blue ayaa ku howlan in ay hishiis cusub ku abaalmariyaan kalyantigooda Sterling, kaasoo joojiyay wadahadaladii heshiis kordhinta ee Kooxdiisa.

Sida ay ku waramayso Jariirada The Daily Express’ garabkii hore ee Kooxda Liverpool Raheem Sterling ayaa ku rajo weyn u dhaqaaqista Kooxda Real Madrid, kaddib dhamaadka koobka adduunka, inkasta oo aan la ogayn waxa ay ka dhihi doonto Kooxda City.

Si kastaba ha ahaatee’ Xiddiga heerka Caalami ee Wadanka England Raheem Sterling ayaa ku lug yeeshay 13-gool dhamaan tartamada oo dhan tan iyo bilowgii xilli Ciyaareedkan.

 

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article11623659.ece/ALTERNATES/s615b/https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article11640151.ece/ALTERNATES/s615b/https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article11613353.ece/ALTERNATES/s615b/https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article11627472.ece/ALTERNATES/s615b/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here