Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United oo ku dagaalami doona adeega Cayaariyahan,,

0
52

Weeraryahanka Kooxda Ajax Kasper Dolberg ayaa soo jiitay dareenka qaar ka mid ah Kooxaha qaarada, xilli lala xiriirinayo Kooxda Cad_cadka ee Real Madrid.

Los Blancos ayaa tartan adag kala kulmi karta dhigeeda Manchester United oo sidoo kale qayb ka ah raadada loogu jiro Cayaariyahan Kasper Dolberg.

Jariirada Don Balon ayaa ku waramaysa in Cayaariyahan Dolberg uu ka tagi doono Kooxda kasoo jeeda Caasimada Wadanaka Holland ee Ajax, xilli qiimo sare lagu heli karo adeegiisa.

Dolberg ayaa xagaagan ku lug lahaa 23-gool dhamaan tartamada oo dhan, hase ahaatee Kooxaha Real iyo United-ka ayaa u muuqda kuwa ku dagaalami doona adeegiisa.

 

Manchester United Real Madrid Kasper Dolberg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here