Kooxaha Arsenal iyo Man City oo isku heesto xidig Da’yar uu u ciyaara,,,,,

0
84

Kooxaha Premier League ee Arsenal iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin kooxdii ugu danbeysay ee xiiseyneysa Bian Juniors da ‘yarta Cristian Pavon.

21 jirkaan ayaa dhaliyay seddex gool 10 kulan oo uu u saftay kooxda South America xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhaliyay 9 gool xilli ciyaareedkii hore.

Image result for Cristian Pavon

Liverpool ayaa markii hore lala xiriirinayay xiddiga reer Argentina sannadkii hore, sida laga soo xigtay Calciomercato, Arsenal iyo City ayaa haatan u badan inay ku dagaalamaan saxiixiisa.

Pavon, oo ku soo bandhigay kulankiisii ugu horeysay ee heer caalami ee xulka Nigeria bishii lasoo dhaafay, ayaa lagu soo waramayaa inuu qandaraaskiisa lagu burburin karo 32.5 milyan oo ginni.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Boca aysan dooneynin inay lacag kaash ah ku iibiso xiddigeeda da’yarta ah, taasoo la micno ah in kooxdu ay ku qasban tahay inay la kulanto qiimeyntiisa buuxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here