Xiriirka Kubada Cagta ee Dalka Talyaaniga oo ganaaxyo kala duwan kusoo rogay qaar ka mid ah xiddigaha Kooxaha,,

0
11

Xiriirka Kubada Cagta ee Dalka Talyaaniga ayaa ganaaxyo kala duwan kusoo rogay qaar ka mid ah Xiddigaha Kooxaha italian Serie A, kaddib markii lagu abaalmariyay casaan.

 

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kooxda Lazio Marco Parolo iyo seddex ka mid ah ciyaaryahanada horyaalka dalka Talyaaniga ayaa la ganaaxi doono Isbuuca afaraad ee horyaalka Serie A.

 

Laacibka reer Talyaaniga ee Marco Parolo ayaa casaan qaatay kulankii ay 4-1 kaga badiyeen AC Milan, xilli si rasmi ah lo xaqiijiyay in kulanka soo aadan uu seegi doono.

 

Adeega dhexe ee Kooxda Genoa Andrea Bertolacci ayaa casaan toos ah la siyay, kaddib markii la daawaday Video Assistant Referee qalad uu sameeyay kulankii Genoa iyo Udinese.

 

Cayaariyahan Giuseppe Pezzella oo Udinese ayaa sidoo kale laga saaray ciyaarta, isagoo sidoo kale la ganaaxay hal kulan.

 

Kabtanka Kooxda SPAL Luca Mora ayaa lagu ganaaxay lacag dhan € 1,500, wallow uu xukun kaas ku tilmaamay mid cadaalo daro ah.

 

http://www.radarcirebon.com/wp-content/uploads/2017/09/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here