Xiddiga oo soo xushay xiddigihiisa, ka hor kulanka Apeol Nicosia

0
14

Kooxda difaacanaysa tartanka Champion League ee Raeal Madrid ayaa caawa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku qaabili doonta Naadiga yar ee Apeol Nicosia.

 

Kooxda reer Cyprus ee Apeol Nicosia ayaa caawa wajahaysa Kooxda ugu guulaha badan tartanka Champion League, wajiga hore ee heerka Group-yada, xilli Macalin Zi Zuu uu ku dhawaaqay 19-kiisa xiddig.

 

Xiddigaha Marco Asensio iyo Karim Benzema ayaa safkaan laga waayay, halka daafaca reer Faransa ee Raphaël Varane uu dib ugu soo laabtay Kooxda, si la mid ah Luka Modric iyo Keylor Navas oo la nasiiyay kulankii Levante, hase ahaatee caawa la filayo in ay kusoo bilaaban doonaan.

 

Laacibka ugu goolasha badan tartanka Champion League ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u bilaabi doona ololihiisa xiga ee Madrid, kaddib ganaaxii dhawaan lagu soo rogay, isagoo ka garab Ciyaari doona Bale, Lucas Vazquez iyo Mayoral.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here