Shaqsi horay ugu soo ciyaaray Bayern Munich oo usheegay kooxdiisa arin caro ku abuuri karta xiddigaha waaweyn

0
14

Ciyaaryahanki hore kooxda Bayern Munich ee Stefan Effenberg oo usheegay in ay iska iibiyaan weeraryahanka kowaad ee naadiga Robert Lewandowski haddii uusan ku faraxsaneen joogista Alliens Arena.

Lewandowski oo ucarooday Bayern kadib markii aysan lasoo saxiixan ciyaaryahano cusub inta uu furnaa suuqa xagaaga, balse Effenberg oo usheegay t-online in Bayern ay soo iibsato xiddigo badan oo reer Germany ah.

“Waa inay iska yareeyaan ciyaaryahanada waaweyn ee ajaanibta ah sanadaha soo socda, uu kamid yahay Lewandowski,” sidaa ayuu sheegay, waxuuna kusii daray hadalkiisa. “Waa in uu aadaa Paris Saint-Germain, halkaasoo lagu bixiyo lacago farabadan ama Barcelona midkood. kadib waa mid heysta naadi awooda waxa uu rabo.”

Dhanka kale arintaan uu ka dhawaajiyey Effenberg oo caro ku abuuri karta xiddigaha kale ee aan udhalan Germany kuwaasoo Bayern Munich ay aad ugu tiirsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here