Romelu Lukaku: Manchester United waxeey u baahan tahay dadaal badan.

0
14

Weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku ayaa ka digay in kooxdiisa aysan aheyn kuwa ugu fiicnaa kadib guushi a 3-0 ay kaga badiyeen Basel garoonkeeda  Old Trafford.

 

Kooxda Jose Mourinho ayaa ka jawaabtay dhibcaheedii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka Premier League iyagoo dib ugu soo laabtay tartanka  Champions League tan iyo bishii December 2015.

 

Lukaku ayaa ka mid ahaa xidigehii xaley  goolasha u dhaliyay  Red Devils, lakiin waxa uu sheegay in weli jiro In wax badan ay ka dhiman .

 

“Ka dib markii uu Stoke ay bar baro nagalisay  waxaan u baahnay inaan dib u soo kabano,” ayuu u sheegay BT Sport.

 

“Kubada ma ahan mid weyn, lakiin waan ku guuleysanay, daafaca ma aanan aheyn natiijo, waa shaqo sii socota.”

 

Kulanka soo socda ee United ee Champions League ayaa la ciyaari doona CSKA Moscow maalinta arbacada, 27ka September.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here