Real Madrid oo kula soo biirtay Liverpool raadinta saxiixa weeraryahan Bundeliga ka xamaasha

0
16

Transfer news: Real Madrid join Liverpool in race for RB Leipzig's star striker Timo Werner

Real Madrid oo kula soo biirtay Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa xiddidaga Germany ee Timo Werner.

 

21 sano jirkaan heerka caalami oo wacdaro ka dhigay horyaalka Bundesliga xilli ciyaaredkii hore isagoo qaab ciyaared cajiib kusoo bandhigay RB Leipzig, waxuuna noqday gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka qaramada Confederation cup-ka ee la ciyaaray xagaagan.

 

kooxaha ugu waaweyn Yurub oo dhamaantood xiisa uhaya saxiixa weeraryahankan halka Liverpool ay aad udooneyso wiilkan.

 

Sida laga soo xigtay Sport 1, Reds oo ka walwaleysa Real Madrid  taasoo kula soo biirtay tartanka raadinta saxiixa Werner.

 

Murqaweynta reer Spain oo aheyd mid kor kala socotay xaalada wiilka reer Germany waana kuwa aaminsan in xiddigan uu mustaqbal dheer oo fiican kuleeyahay kubada cagta.

 

Sikastaba ha ahaatee RB Leipzig oo diidan iiibinta Werner kadib markii Naby Keita ay u ogolaatay kubiirista Liverpool kaasoo xagaaga danbe toos ugu mid noqon doona  ciyaartoyda Reds.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here