Massimiliano Allegri oo ka hadlay Ciyaariyahanada uu kala hortagi doono Barcelona

0
17

Hogaamiyaha Kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa si cad u sheegay in Ciyaariyahanka reer Argentina ee Rodrigo Bentancur uu kusoo bilaabi doono kulanka caawa ay la qaadan doonaan dhigooda Barcelona, kaas oo qayb ka ah heerka Group-yada ee tartanka Champion League.

 

Bianconeri ayaa Catalan ku wajahaysa garoonka Camp Nou lugta hore ee Champions League, iyadoo xilli Ciyaareedkii lasoo dhaafay lumisay fiinaalka tartankan, kaddib markii ay wajahday Kooxda Real Madrid.

 

Allegri ayaa ka hadlay shirkiisii Jaraa,id ee shalay, isagoo midkood Ciyaari doona hanaan naqshadeedka kala ah 4-3-3 ama 4-2-3-1, sida ay ku waramayaan Jariiradaha Sky Italia, Premium Sport iyo Gazzetta dello Sport, iyadoo Cayaariyahan Bentancur uu Khadka dhexe kala Ciyaari doona Miralem Pjanic iyo Blaise Matuidi.

 

Paulo Dybala iyo Douglas Costa ayaa qaybta Weerarka ku taageeri doona Cayaariyahan Gonzalo Higuain, halka Mattia De Sciglio ama Andrea Barzagli uu daafaca midig uu midkood kula soo bilaaban doono daafacyada kala ah Rugani, Benatia iyo Alex Sandro.

 

Si kastaba ha ahaatee Kooxda Juventus ayaa kulanka caawa kusoo bilaabi doonta sida uu sheegay macalina Allegri xiddigaha laka ah: Buffon; Barzagli, Rugani, Benatia, Alex Sandro; Bentancur, Pjanic, Matuidi; Douglas Costa, Higuain, Dybala.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here