Marotta oo mar kale ku digtay Kooxda Barcelona

0
13

Maareeyaha guud ee Kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa mar kale ku digtay Kooxda kasoo jeeda gobolka gooni u goosadka Catalania ee Barcelona, kaas oo ku aadan helida adeega Cayaariyahan Paulo Dybala.

 

Kooxda ku Ciyaarta garoonka Camp Nou ayaa u aragta laacibka heerka caalami ee Wadanka Argentina Dybala bdelka saxda ee Cayaariyahan Neymar, kaas oo qiimihii ugu qaalisanaa ugu dhaqaaqay Kooxda maal qabaneeda carbeed ee PSG.

 

Dybala oo 23-sanno jir ah ayaa saaxiib dhow la ah hogaamiyaha Kooxda qaranka Argentina Lionel Messi, kaas oo raba in uu qayb kala noqdo Blaugrana.

 

” Waxaan og nahay in Barcelona ay raadinayso Dybala, laakiin waxaan u sheegaynaa in uu san halkaan ka tagi doonin,”ayuu Marotta u sheegay Mediaset Premium.

 

Saxiixii hore ee Kooxda Palermo Paulo Dybala ayaa dhawaan saxiixay hishiis shan sano ah, kaas oo socon doona April 2022-ka, xilli la ogson yahay in uu dhaliyay 7-gool dhamaan tartamada oo dhan.

 

Si kastaba ha ahaatee’ Dybala ayaa ka hor tagay Messi habeenkii Talaadada, kulan ka tirsanaa tartanka Champions League, xilli 3-0 loga adkaaday Bionconeri.

 

https://pbs.twimg.com/media/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here