Juventus oo iska fogaysay in ay lasoo saxiixan doonto Kabtanka Kooxda,,,,,,,

0
15

Maareeyaha guud ee Kooxda Juventus Beppe Marotta ayaa aaminsan in Andres Iniesta uu sii ahaan doono ciyaaryahan Barcelona ah xilli ciyaareedka soo aadan.

 

Iniesta ayaa si joogta ah u sheegay inuusan saxiixi doonin qandaraas cusub uu kula sii joogi doono Kooxda Catalania, xilli uu haatan ku jiro 12-kiisii bil ee ugu danbaysay.

 

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wadanka Iniesta ayaa qayb ka ahaa kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Bianconeri habeenkii Talaadadii, kaas oo qayb ka ahaa tartanka Champions League.

 

“Isaga Waa horyaal weyn, lakiin waxa uu qandaraas kula jiraa Barcelona, taas waa hubaal inuu sii kordhin doono” ayuu Marotta oo la hadlaayay La Sexta.

 

”Waa ciyaaryahan muhim ah isaga, sidaasi darteed waxaan u maleynayaa inuu sii joogi doono Barcelona.”

 

https://pbs.twimg.com/media/https://pbs.twimg.com/media/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here