Gianfranco Zola: Diego Costa waa xubin u muhiimsan kooxda Chelsea balse la xaqirayo.

0
14

Halyeeyga Chelsea Gianfranco Zola ayaa qiray inuu murugo ka qabo muranka kala dhaxeeya kooxda ee Diego Costa.

Dhamaadka xilli ciyaareedkii hore tababaraha Blues Antonio Conte ayaa u sheegay Costa inuusan qeyb ka noqon doonin qorshihiisa koowaad ee weerarka, isagoo ka fogeynaya inuu kooxdiisa cusub helo xagaaga.

28-sano jirkaan ayaa awoodi waayay inuu ka tago Stamford Bridge ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, si kastaba ha ahaatee, isaga oo doonaya inuu u dhaqaaqo Atletico Madrid taas oo aheyd mid aan macquul aheyn sababtoo ah heshiiskii uu ku biiray kooxda ka dhisan La Liga.

Costa ayaa tan iyo markii uu ku soo laabtay dalkiisii ​​hooyo ee Brazil, waxaana uu diidey inuu tababare u soo qaato Chelsea, halka arinta mustaqbalka uu weli ku sii jirayo hawada.

“Qofna shaki kuma jiro tayada iyo qiimaha ciyaaryahankiisa, laakiin wax qalad ah ayaa ku dhacay qolka bedelka,” Zola, oo horey Chelsea ugu soo ciyaaray todobo sanno, ayaa u sheegay talkSPORT.

“Tababaraha maalin kasta ku jira, qolka isbedelka waa uu og yahay sida uu muhiim u yahay ciyaaryahankan, kaliya ma ahan garoonka dhexdiisa, laakiin sidoo kale kooxda gudaheeda, sidaasi darteed hadii Conte uu go’aankan gaaray macnaheedu waxaa laga yaabaa inaysan jirin wax damaanad ah ha ahaato mid isku mid ah qolka badalida.

“Waa khasaaro weyn kooxda, sababtoo ah waxaan ognahay sida uu muhim u yahay Xidigan  sida Diego uu noqon karo, laakiin waa inaad bixisaa ixtiraamka tababaraha, waa inuu ilaaliyaa 24 ciyaaryahan, ma ahan kaliya hal.”

Costa ayaa haatan la aamisan yahay inuu ku sugan yahay caasimada Spain isagoo isku dayaya inuu ku qasbo inuu ku biiro kooxda Diego Simeone.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here