Diego Costa oo ugu danbayntii go,aan laga gaaray,,,,

0
15

Weeraryahanka Kooxda Chelsea Diego Costa ayaa la filayaa in uu hishiis u saxiixi doono Kooxda Atletico Madrid maalmaha soo aadan.

 

Jariirada Marca ayaa subaxnimadii Isniintii baahisay in labada kooxood ay ku wada hishiiyeen qiimo ku kaceen € 60million ilaa iyo £ 54m) si loo kansalo hishiiska 28-sano jirka reer Spain ee Costa.

 

Atletico ayaanan si rasmi ah u diiwaan gashan karin Ciyaartoy ilaa bisha Janaayo, hase ahaatee ay u furan tahay in ay la xaajoon karaan Kooxaha kale ee qaarada Yurub.

 

Xiddiga heerka caalami ee Wadanka Spain Costa ayaan u ciyaarin Chelsea tan iyo kulankiisii u danbeyay ee FA Cup-ka, waqtigaas oo guuldaro ay kala kulmeen dhigooda Arsenal dhamaadka bishii May.

 

S kastaba ha ahaatee Hogaamiyaha Kooxda Chelsea Antonia Conte ayaa Costa u sheegay in uu san ka mid noqon doonin safkiisa joogtada ee Kooxdiisa, kaddib markii ay dhowr jeer isku qabteen xereda tababarka iyo si la mid ah aqalka labiska ee Naadiga.

Diego Costa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here