Deg Deg: 35-sanno kaddib Ciyaartii Fiinaalaha tartanka Degmoyinka oo la rabay in caawa la Ciyaaro oo,,,

0
21

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Sportiga gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in uu baaqday kulan Ciyaareedkii adkaa ee u dhexeeyay Degmoyinka Waaberi iyo si la mid ah Degmada Hodan, kaas oo ahaa kama danbaysta tartanka Degmoyinka gobolka Banaadir.

 

 

Ciyaarta kama danbaysta ee Degmoyinka Waaberi iyo Hodan ayaa sida uu ahaa qorshaha xiriirka soomaaliyeed ee Kubada Cagta iyo kan maamulka Sportiga ee gobolka Banaadir in la Ciyaaro Caawa oo taariikhda ay ku astaysan tahay 07-09-2017, hase ahaatee arimo la xiriira dhinaca farsamo dib loogu dhigay in la Ciyaaro habeen danbe oo taariikhdu ku astaysan tahay 08-09-2017-ka.

 

 

Garoonka da,ada wayn ee Banaadir Stadium oo ay hada ka socoto howlo farsamo oo la xiriirta hagaajinta Nalalka ku shaqeeya Cadceeda iyo kuwa kale, ayaa la filayaa in maanta lasoo gabagabeeyo si habeen danbe uu u marti geliyo kulanka kama danbaysta ee tartanka Degmoyinka gobolka Banaadir.

 

 

Si kastaba ha ahaatee Waaberi ayaa 2-1 kusoo martay dhigeeda Hiliwaa sama fiinalaha tartankaan, halka Kooxda Hodan ay rigooreyaal 11 iyo 12 ay kaga adkaatay Degmada Kaaraan, taas oo ka dhigan in kulankaan ay isugu soo haraan labadaan Degmo, xilli Waberi  ay gaartay fiinaalkeedii sedexaad oo xiriir ah, halka Hodan ay soo gaartay fiinaal markii ugu horaysay taariiqda tartankaan.

 

Image may contain: outdoorImage may contain: one or more peopleImage may contain: one or more people, people standing, crowd, stadium and outdoorImage may contain: 3 people, people smilingImage may contain: 9 people, people standing

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here