Cayaariyahan Mesut Ozil oo qarka u saaran in uu,,,,

0
15

Cayaariyahan Mesut Ozil ayaa qarka u saaran in uu saxiixi hishiis cusub si uu usii joogo Kooxdiisa Arsenal.

 

Laacibka reer Jarmal ee Ozil ayaa hada ku jira waayihiisa u danbeeyay ee kalcada Emirates Stadium, hase ahaatee Macalin Wenger ayaa raba in uu sii haysto adeegii hore ee Kooxda Real Madrid Mesut Ozil.

 

Arsenal ayaa sanadkiiba mushaar ahaan usiin doonta Cayaariyahan Ozil aduun dhan £8.1million, kaas oo la filayo in uu saxiixi doono hishiis laba sanno ah.

 

Kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa dhawaan soo bandhigtay xiisaha ay u qabto Cayaariyahanka Ozil, ka hor inta uusan xirmin suuqa dhawaa, hase ahaatee Wengar ayaa raba in uu kusii hayo Woqoyiga Magaalada London.

 

Madaxa fulinta ee Kooxda Arsenal Ivan Gazidis ayaa cadeeyay in xiddigaha Ozil iyo si la mid ah Alexis Sanchez uu ka saxiixi doono hishiisyo cusub, si aysan Kooxda bilaash uga tagin.

 

Gunners ayaa lacag dhan £42m kaga soo qaadatay dhigeeda Real Madrid Cayaariyahan Ozil afar sanno ka hor, hase yeeshee hada ku jira waa yihiisa u danbeeyay ee Kooxda.

 

Mesut Ozil is destined to leave Arsenal for free at the end of his contract next summerThe Germany international has not spoken to Arsene Wenger about a new deal since February

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here