Antonio Conte oo ku faraxsan “qaab ciyaareed fiican ay soo bandhigtay kooxdiisa Chelsea,

0
15

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa ammaanay kooxdiisa ka dib markii ay 6-0 uga badiyeen Qarabag FK kulankii Champions League ee xaley.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa garoonkeeda ku soo dhaweysay  kooxda reer Azerbaijan  ka dib markii ay dib ugu soo laabteen tartanka kooxaha yurub ee Champions League mudo kadib.

“Waxa ay aheyd natiijo fiican, waxaan ku bilaabanay Champions League sida saxda ah, waxaan arkay wax weyn oo diirada saaran, diirada saarey iyo xoojinta bilowga ciyaarta, waxa ay aheyd wax ka fiican ciyaartoyda” ayuu Conte u sheegay BT Sport.

 

Davide Zappacosta ayaa si wacan u ciyaaray, Eden Hazard ayaana isku dayay inuu helo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican.

 

“Waa muhim inaad ciyaartoyda fursad u siiso sida Andreas Christiansen, waa inay fahmaan waxaan aaminsanahay, waxaan haystaa 17-18 ciyaartoy waa weyn, ciyaaryahana hal ciyaaryahan ayuu fursad u heli karaa inuu ciyaaro.”

 

Chelsea ayaa haatan badisay afartii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan si ay uga soo kabsadaan guuldaradii ka soo gaartay maalintii furitaanka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here