Ma dhabbaa in C/casiis Maxamaed Catoosh uu ku biiray Kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee,,,+sawirro

0
18

Qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa lagu baahiyay in kubad sameeyihii hore e Kooxda LLPP Jenyo C/casiis Maxamaed Catoosh uu ku biiray Kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

 

24-sano jirka Heerka Caalami ee Wadanka Soomaaliya Catoosh ayaa lasoo dhigay qaar ka mid ah Baraha Bulshada gaar ahaan qaybta Facebook-ga xilli uu darfaha hayo maaliyada Kooxda Heegan taas oo keentay in loo fasirto in uu ka tagay Kooxdiisa Dekedda.

 

Cayaariyahan C/casiis Maxamaed Catoosh ayaa fasal Ciyaareedkii lasoo dhaafay kusoo biiray Kooxda Dekeddaha, xilli uu usuuro geliyay ku guulaysiga Horyaalka Heerka kowaad ee Soomaaliya sanad Ciyaareedkii 2016/2017, mudo 19-sanno kaddib, iyadoo dhinaca kale la sheegayo in hishiiskiisa uu wali ka harsan yahay hal sanno.

 

Si walba ha ahaatee Safiiska Kooxda Heegan FC ayaa dhawaan lagu soo bandhigay qaar ka mid ah Xiddigaha Kooxda Jenyo ku waas oo dhawaan xaqiijiyay in ay ka tageen Kooxdooda, waxaana ka mid ah Baazi iyo goolhaye Mustaf.

 

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing, shoes and outdoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people standing, shoes and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here