Degmada Hodan oo u soo gudabtay wareega afaraad ee tartanka Degmooyinka 2016-17 xili ay soo xaaqday degmada….

0
11

Dhegmooyinka Hodan iyo Shibis ayaa waxa ay kulan xiiso badan ku yeesheen Banaadir Stadium xilli kulankaa u ahaa mid bug bax ah uuna ka tirsanaa kulama tartanka degmooyinka gobolka Banaadir 2017.

Labada degmo oo ciyaarta dar dar xoogan kusoo galay ayaa waxaa dharbaaxada bilaawday degmada Shibis iyada oo ay goolka ka heshay xiddiga No. 10 –aad u xirta ee Colaad Labiib Cali iyada oo ay sidaa ciyaarta ku noqotay 1 – 0.

Degmada Hodan ayaa waxa ay baadi goob ugaleen ciyaartoodayda sidii ay kusoo aari laheyd goolka looga horeeyo balse waxaa goolka barbaraha ah u dhaliyey Xiddiga No.7 –aad u qaata ee Maxamuud Maxamed Mursal iyada oo ay ciyaarta isku badashay 1 – 1.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1 – 1 oo bar bare ah.

Markii la isku soo laabtay ayaa waxaa halkeeda kasii socotay bandhigii wacnaa ee labada degmada soo bandhigayeen.

Ciyaarta oo sidaa ah ayaa Waxaa kubad rigoore ah ku keenay degmadiisa Shibis xiddiga difaaca uga ciyaarayey ee No.4 –aad u xirta ee Axmed C/Raxmaan Cali waxaana loo taagay kaarkiisii labaad ee hurdiga iyada oo loo raaciyey iyada oo ay degmada Shibis sidaa ku noqdeen 10 ciyaariyahan, waxaana kubadii rigooda aheyd ee degmada Hodan loo dhigay usoo istaagay Xiddiga No.10 C/wahaab C/raxmaan Xasan ciyaarta ayaana sidaa ku noqotay 2 – 1 oo ay hogaanka ku qabatay degmada Hodan.

Degmada Shibis oo markaa xaalada ku xumaatay ayaa waxaa dhamaadkii ciyaarta rajada usoo celiyey xiddiga No.9 –aad u qaata ee Mahad C/raxmaan Maxamuud ciyaarta ayaana isku badashay 2 – 2 oo garba siman ah
Kadib rigoorayaal ayaa lagu kala saaray laba dagmo waxaana guusha ay raacday Degmada Hodan waxayna usoo gudubtay wareega afar dhamaadka tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here