Ha Sugin Kulanka El Clásico… Neymar Oo Seddex Kulan Ganaax Qoorta Loo Suray

0
17

Neymar ayaa seegi doona kulanka ugu adag horyaalka La Liga ahna kulanka loogu jecelyahay dunida waama kulanka ay Barca iyo Real Is arki doonaan 23-ka bishan April oo ay ku wada ciyaari doonaan garoonka los Blancos ee Sanitago Bernabeú.

Xiriika kubada cagta ee Spain ayaa go’aansadeen in Neymar uu garoomada ka maqnaado ilaa seddex kulan ka dib markii uu labo kaar hurdi iyo kaarka casaan lisugu daray ciyaartii Malaga ay la ciyaareen todobaadkan, sidoo kale waxaa uu garoomada ka maqnaan doonaa labo kulan kale oo horyaalka La Liga ah.

Xiriirka kubada cagta dalka SPain ayaa sheegeen in ay jiraan waxyaabo badan oo qaldan waxeyna dhaheen “Xeerka garsooraha,Madaxda ama gudiga ciyaaraha waxaa loola dhaqmaa si xushmad daro ah… waa in lis ganaaxaa labo kulan ama seddex kulan ama la gaarsiiyo muddo bil ah”.

Racfaanaka Barcelona?

 

Barcelona ayaa jeceleesnaysa in ay  racfaan ka qaadato go’aankii kaso yeeray gudiga xiriirka kubda cagta dalka Spain waxeyna ku hami weynyihiin in ay racfaan ka qaataan xili kulanka labaad seedexda kulan la ganaaxay ay la ciyaari doonaan kooxda ay horyaalka ku wada dagaalamayaan ee Real Madrid, si kastaba ma jiraan wax xaqiiqo ah oo ku aadan racfaankan in ay ogolaan doonaan maamulka kubada cagta dallka Spain iyo in ay diidi karaan.

waxaa uu maqnaan doonaa kulamada aya Barcelona la ciyaari doonto kooxaha Real Sociedad, Real Madrid iyo Osasuna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here